waa Maxay Cyber Security
Cyber Security waa difaaca kombiyuutarada, shabakadaha, xogaha, iyo nidaamyada ka dhanka ah weerarrada internetka iyo jebinta amniga. Maanta dunida digital-ka ah way fududahay in xog la xado ama la burburiyo, taasoo khatar ku ah shirkadaha, ururada, iyo dadka isticmaala internetka.
✅ Khataraha ugu badan ee Cyber Security
- Phishing – Email ama website been ah oo lagu khiyaaneeyo isticmaalaha si loo helo xogtiisa.
- Malware / Virus – Barnaamijyo waxyeello geysta sida xatooyo xog, burburin files, ama in la xakameeyo computer-ka.
- Ransomware – Dembibaad software ah oo xiraya files-kaaga ilaa lacag laga bixiyo.
- Hacking & Data Breach – Gelitaan sharci darro ah oo lagu jebiyo shabakadaha si xog loo xado.
✅ Sababta ay muhiim u tahay
- Waxay ilaalisaa sirta xogta
- Waxay ka hortagtaa khasaaraha dhaqaale
- Waxay dhistaa kalsoonida macaamiisha
- Waxay badbaadisaa nidaamyada ganacsiga si aysan u istaagin
✅ Hababka lagu xoojin karo Cyber Security-ga
- Isticmaal password adag iyo 2-Factor Authentication
- Update software & antivirus joogto ah
- In shaqaalaha la baro khatarta phishing iyo email-yo shakiga leh
- Back-up xog muhiim ah
- Isticmaalka firewalls & encryption
✅ Gunaanad
Cyber Security ma ahan oo kaliya teknoolojiyad—waa difaac muhiim u ah ganacsiga, hay’adaha, iyo qof kasta oo isticmaala internetka. Maalin kasta waxaa kordhaya weerarrada digital-ka, sidaas darteed ilaalinta xogta iyo nidaamyada waa mas’uuliyad aan laga indho-tiri karin.